Ciidamada Jubbaland oo la wareegay xarumihii dowladda ee Beled-Xaawo
Ciidamada Jubaland ayaa si rasmi ah ula wareegay xarumihii dowladda ee magaalada Beled-Xaawo, kaddib markii ciidamadii Nabad-sugidda Federaalka ee ku sugnaa magaalada ay ku biireen dhanka Jubbaland.
Ku biirista ciidamada Nabad-sugidda Federaalka ee ciidamada Jubaland ayaa suuragelisay in ciidamada Jubbaland ay si toos ah ula wareegaan xarumihii dowladda ee magaalada, oo ay ugu horreyso xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadda (Immigration).
Tallaabadan ayaa timid kaddib dadaallo nabadeed oo ay wadday Dowladda Jubaland, kuwaas oo ujeeddadoodu ahayd dib u soo celinta dowladnimada, amniga iyo kala dambeynta magaalada Balad Xaawo.
La wareegidda xarumaha dowladda ayaa loo arkaa tallaabo ka mid ah dadaallada lagu doonayo in dib loogu soo celiyo habsami u socodka maamulka iyo adeegyada dowladda ee magaalada.
Waxaa la filayaa in xaaladda cusub ay saameyn ku yeelato maamulka iyo amniga Balad Xaawo, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo sii socoshada dadaallada nabadeed iyo ilaalinta xasilloonida magaalada.